Hargeysanews.com – 24 hours news channel

GUDOOMIYAHA GOBALKA HARGEYSA EE XISBIGA KULMIYE OO KAWARAMAY XIRFAD YARIDA DADKA IIBIYA DAAWOOYINKA.

Hargaysa{SLN}25/2/2006, war saxaafadeed uu maanta soo saaray gudoomiyaha gobalka Hargeysa ee xibiga muaradka ah eng,Cismaan Cabdulaahi Cigaal ayuu kaga waamay tayo xumida dawooyinka dalka lakeeno iyo tabao bar la,aanta dadka iibiya dawooyinklaasi waxaanu qoraalka gudoomiyuhu isga oo dhaystiran uqoraa sidan,
Xisbiga MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND
{KULMIYE}
XAFIISKA HARGAYSA
25/FEBERUARY-2006

Warsaxaafadeed goobaha dawooyinka lagu iibiyo ee gobalka hargeysa ,
Furashada farmashiyada magaalada hargeysa waxy kafududahay inaad furato dukaano caadi ah ee lagu iibiyo Sonkorta iyo Daqiida iyo wixii lamid ah,
Caafimaadku wuxuu kaalinta uguhoreysa kagajiraa adeega bulshada xukuumad kasta oo muu shacaku soo doortaana wuxuu xilka saaranayahay inay masuul ugu noqto shacabka helitaanka nidaam ama siyaasad cad oo lagu hago kantaroolka iyo ilaailnta cafimaadka ee bulshada soo dooratay waana inay xukuumadaasi horumarisaa caafimaadka bulshada ay masuulka katahay,
Bulsho weynta reer Somaliland marka sadex looqaybiyo labo qaybood waxay kunoolyihiingobalka hargeysa gaar ahaan caasimada,balhadaba aynu eegno dhibaatooyinka kataagan goobahja lagu iibiyo dawooyinka ee gudaha caasimada hargeysa ,
Magaalada hargaysa hadii aad kunooshahay furashada goobaha lagu iibiyo dawooyinke ee loo yaqaano farmasiyadu waxay kadhibyaryihiin ama kafudud yihiin furashada dukaamada kale ee lagu8 iibiyowaxyanaha kale,
Dariiqyada ama xaafadaha hargaysana markaad marayso hadii aad eegto waxaad arkaysaa far masiyada kafurani inay kabadan yihiin mac-macaanlayaasha kafuran hargaysa ama goobaha tel foonada lagadirsado taasina waxay kamakhraati kacaysaa sida dhibta yar ee ay dadka aan aqoonta lahayni isaga furan karaan xarimo caafimaad iyo fa mashiyo iayadoo shuruudihii iyo kantaroolkii udagsanaanjiray qofka goob caafimaad furanaya aanay jirin oo layska indhotiray siada ruqsad helidi furashada xurun caafimaad iyo wixii lamid ahhadaba markaad eegto goobaha dawooyinka lagu iibiyo dadku waxay ugu jiraanakhatar aad ubalaadhan waxaankhtarahaasi kamida
1-dka dawada iibiya amaba kashaqeeya intooda badani haba yaraatee wax khibrad ah iyo aqoon umalaha dawooyinka ay dadka ka iibinayaan
• 2-dawooyinka lagu iibiyo goobahaasi oo ka-kalayimaada meelo kaladuwan oo caalamka akida sida paakistaan,hindiya.china.masar,yaman.iyo meelo kale dawooyinkaasina intooda badni sitoosa uguma yimadaan Somaliland balse waxay soo maraan marka hore suuqa weyn ee magaalda muqdisho ee BAKAA RAHA ,iyadoo ay dawooyinkaasi intoodabanina kusoo galaan si sharcidaro ah ayaa hadana waxaa dhacda mararka qaarkood laba garnayn waxyaabaha ay dawooyinkaasi kasamysan yihiin tayada dawadaasina inta ay la-egtahay iyo goorta ya dhacaysaba kadibna marka lagasaaro galkii ay dawadaasi kujirtay lagana saaro warqadii cadynta ahyd ee kuu tilaamaysay babka loo isticmaalayo dawadaasi,
• goobaha dawooyinka lagu iibiyo qaarkood waa kuwo aan uqalmin in dawooyin ladhigo ama farmashiyolaga dhigo waxaan goobahaasi intaa uweheliya sidii aan horeyba usoosheegnay iyadoo ay aqoontii caafimaadku kamaqantahay dadka iyagu meheradahaasi iibinaya,

• walibana ayaandara jirtaa wax ay tahay dadkasi waxaa kamaqan xanaa naynti dawada iyo in meelo qabow lagu kaydiyo sidii caadiga ahaan jirtay

• dadka iibinaya dawooyinkaas waxaa dhacda mararka qaarkood inay aayar uun dadka dawada ka iibiyaan iyagoon dhkhaatiirta aqonta uleh daawada kala tashandhinaca kalan a waxaaba int badan dhacda daawooyinkaasi lagaso iibiyi caruurtii layidhi daawada halaga fogeeyo ee dusha sare lagaga qorey [keep the midecine in a cold place and keep it out of the reech of children}ayaa waxaa dhacda in loo soodiro caruur yaryar oon aqoon ulahayn daawadaasi amaba aan qaan gaadhba ahayn oo afka uun loogasoo sheegay marka la-eego sharciga uyaala cafimadkana in dawada loosoo diro caruurta yaryar waaba kamamnuc,

• bakhaarada jumlada ee markahore daawooyinaasi lagsoo iibinayo oo iyaguna ka aradan aqoontii iyo waayo arag nimadii iyo qalabkii loogu talo galay in lagu kaydiyo daawada sida qaboojiyayaashii kaydka dawada iyo wixii lamida iyagoo marka ay dadka dawad ka iibinayaana far mashiyada daawooyinku aan weydiinin in uu qofku wato warqadii sharciga ahyd ee cadaynt dhakhaatiirta iyo wax yaabaha kale ee loogabaahan yahay in uu wato qofku marka uu dawada qaadanayo waxaanad moodaa goobahaa caafimaadku marka ay dadaka dawada ka iibinayaan dukaanadii Sonkorta iyo saliida iibin jiray oo kale,

• iyadoo ay goobahaasi dawooyinka lagu iibiyo sidii aan soo sheegnayba ay katiro badan yihiin dukaamada suuqa kuyaala iyo mac-macaanlayaasha iyo goobaha laga dirsado tel foonada hadana nasiib daraa jirtaa wxay tahay hadii uu qof xanuunsadooo uu ubaahdo dawo wakhti dambe oo habeenimo ah maheleysid meel qudha opo furan oo aad dawo ka iibsatidmeheradihii caafimadkana marhorn ayaaba albaabada loolaabaywakhti aan munaasib ahayn waxaanay kahor xidhaan far masiyadu mac-macaan layaasha iyo meheradaha lagadirsado tel foonada,

• goobaha layska saaro sawirka {XRAY}waxay noqdeen kuwo tiro badan oo maalimba maalinta kadambeysa sii badanaya waxaanad moodaa iyaguna inaanay lahayn amaba wafaqsanayn shurucdii iyo qawaaniintii iyo xeerarka caalamiga ha ee uyaala caafimaadka aduunka waayo waxa ay noqdeen ganacsi toosa oo kadhexeeya Raga iyagu iskaleh meheradahaasi iyo dhakhaatiitra taasina waxayb keni kartaa dhibaatooyin kale oo horleh oo xaga caafimaadka ah hadii aan laga hortagin,

iayadoo aanay jirin wakhtigan xaadirka-ah dhibaato weyn oo kadhalatay arimahaasi hadana hadana waxaanu kadigaynaa halis keeni karaan mustaqbalka dhow hadaan wax laga qaban,
dhinaca kalana siweydiint waxay tahay wsaaradii xkuumada ugua masuulaka ahayd howlaha caafimaadka ee qanaku mafulisay wixii loo igmaday?
Halaasi waaa si toosa uu muuqda oo maragg madoon ah inay wasaradii howlahaasi qaranaka ugu masuulka ahyd ilaalinta iyo fayo dhowrka dadka iyo xakamaynta dawooyink kalduwan ee dalka imanaya ay gabtay waajibaadkii saaraa ee loo xilsaaray oo ay kaseexatay howsheedii caafimadka dhinaca kalana gudiyada iyo hay adaha hoos yimaada wasaarada caafimaadka ee ay arintani khuseyso waxay meel iska dhigeen sharciyadii cafimaadka waxaana rajeynayaa golayaasha qanka ee xeer dajintu inay meel marindoonaan shuruucda lagu ilaalinayo dadka iyo dalka ee hada horyaala,
Hadaba wasaarada caafimaadka waxaan usoo jeedinayaa inay hurdada ka-kacdo oo ay boodhka ka-afuufto qawaaniintii iyo shuruucdii utiilay ilaalinta caafimaadka waana inay kantarooshaa dadka iibiya dawooyinka heer aqooneed ee ay uleyihiin dawda ay dadaka ka iibinayaan,
Dhinaca kalana anaga oo dhiiri galinayna iala markaana amaan iyo bogaadimba usoojeedinayna ganacsiga xorta ah ee madaxbanaan ee kahana qaaday dalka somalilanad hadana waxaanu leenahay haloomaro ganacsiga daawda sifaha sharciga ah ee dalka uyaala iyadoo aan lagu xad gudbeynin lana dhowarayo karaamada iyo sharafata iyo xuquuqda uu muwaadinka Somaliland leeyahaysi looga helo goobahaasi lagu iibinayo daawda adeeg hufan oo tayo leh oo sharcigana waafaqsan,
Dhinaca kalana waxaan kacodsanyaa hay adaha ay arintani khuseyso iyo ururada dhakhaatiirta Somaliland inay kahowlgalaanwaxna kaqabtaan dhibaatooyinkaasi kor kuxusan anaga oo ugu mahad naqayna kuna amaanayna dhakhaatiitra iyo hay adahaasi aan kor kusoo shegayba dadaalka iyo wakhtiga qaaliga ah ee ay uhuraan umadooda reer Somaliland gaar ahaan akuwa uheelan kashaqaynta iyo adeega goobaha cafimaadka ee dowliga ah sida cusbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa iyo kuwa kale iyo MCH yada,
Ugu dambeyntii gudi hoosaadyada Baar lamanka waxaan usheegayaa inay arin tani tahay mid khuseysa {howlaha caafimaadka ee dalka
}kana howl galaan kudaba galka xukuumada arimahaasi aan soo sheegay waxaanan mar labad mudanayaasha sharci dajinta kudhiiri galanayaa inay soo saaraan sharciyo lagu adkeynayo languna xakameynayo ilaalinta iyo fayodhwrka dadka iyo dar yeelka deegaankaba,

ENG,CISMAAN CABDULAAHI CIGAAL GUDOOMIYAHA GOBALKA HARGEYSA EE XISBIGA KULMIYE

Author:
(2/25/2006)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *