Man city oo xaqiiqsatay inay uefa champions league 2011/2012 ay ciyaari doonto | www.somalifootball.com

Published on May 11, 2011 by jerryuk   ·   5 Comments

Kooxda Manchester city ayaa caawa xaqiiqsatay inay Ueafa Champions League ciyaari doonto sanadka dambe
kadib markii ay hal gool iyo eber ku garaacday kooxda Tottenham, waxuuna ahaa goolkaas mid ay si qalad ah
kooxda Tottenham iskaga dhalisay ama ay isku sartay haafkii hore ciyaarta,
 
Manchester City ayaa waliba caawa ka aar gudatay Tottenham, waayo sanadkii hore ayay aheed markii ay guriga Man City
lagu garaacay 3 iyo 1 sanadkii hore sidaas ayayna kooxda kubada cagta ee Tottenham ku ciyaartay Ueafa Champions League
inkastoo ay wacdaro ka muujiyeen walibana ay garaaceen kooxo badan sida Ac Milan iyo Inter Milan iyo waliba kooxo kale,
si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay  muddo 35 sano ah in kooxda Man City ay ciyaarto Ueafa Champions League
eyadoo walibana ay sabtida soo socota ciyaari doonto  FA Cup final oo ay iskaga hor imaan doonaan kooxda Stoke City.
 
ugu dambayntiina waxaa suura gal ah in Man City ay ku dhamaysato kaalinta sadexaad ee horyaalka England
waayo Arsenal 2 dhibcood oo qura ayay ka horeysaa Man City sidaas daraadeed hadii kooxda Arsenal dhumiso
midka mid ah labada ciyaarood ee ka dhiman horyaalka England oo Man city ay badiso ciyaaraha u dhiman
waa suura gal inay ku dhamaysato kaalinta sadexaad,
mana looga baahna inay is reeb reeb(qualify) soo marto kooxdii ku dhamaysata kaalinta 3aad ee horyaalka.
 
waynu arki doonaa waxii natiijo ah oo ka soo baxa ciyaaraha Engalnd
inkastoo lagu wado in 22ka bisha May lasoo af jaro horyaalka Engalnd,,
 
Bashir Shidane London, [email protected]

Barcelona iyo Real Madrid ayaa laga yabaa in isku aadka maanta uu ugaga soo baxo El Clasico, ama …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *